Dowladda Itoobiya oo Xabsiga dhigtay Mitiku Kassa iyo Dambiga loo heesto oo la shaaciyay

Ciidamada booliiska dalka Itoobiya ayaa xabsiga dhigay madaxii hay’adda gargaarka ee dowladda dalkaasi Mitiku Kassa, oo lagu eedeeyay in uu sameeyay musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.

Masuulkan ayaa lagu eedeeyay in hay’addo kala shaqeeyay sidii loo musuqmaasuqi lahaa raashin gargaar iyo dhar loogu tala galay in lagu caawiyo dad badan oo Itoobiyaan ah oo xaalad adag ku jira.

Mitiku Kassa ayaan wali ka hadlin dambigan lagu soo eedeeyay, waxaana si weyn looga hadal hayaa xariga loo geestay ninkan caanka ku ahaa sidii uu wadanku taageero ugu fidin lahaa malaayiin Itoobiyaan ah oo lagu qasbay in ay ka cararaan qalalaasaha qowmiyadaha.

Dalka Itoobiya ayaa xilligan waxaa ka jira abaaro xooggan iyo sidoo kale colaado salka ku haya isku dhaca qowmiyadaha, waxaana dad badan oo Itoobiyaan ah wajahayaan xaalad dhinaca cunto yari iyo daawo la’aan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -