Askari katirsan Ciidanka Difaaca Kenya oo laayay xubno Qoyskiisa kamid

Askari katiran ciidanka difaaca dalka Kenya ayaa dilay xubno qoyskiisa kamid ah , waxaana dhacdadan ay noqotay mid si weyn maanta u hadal hayaan warbaahinta kala duwan ee dalka Kenya.

Wargeyska Daily Nation ayaa ku waramay in akarigan uu kasoo tagay saldhig fog uu ku sugnaa, waxaana askariga markii uu soo gaaray guriga qoyskiisa oo kuyaala magaalada Eldoret uu rasaas ku furay xubno qoyskiisa kamid ah.

Inta la xaqiijiyay askarigan ayaa dilay sadex ruux oo labo kamid ah la sheegay in ay adeer u ahaayeen iyo qof kale oo haween ah, waxaana askariga markii uu falkaasi geetay kadib la sheegay in isna is toogtay.

Saraakiisha booliiska magaalada Eldoret ayaa sheegay in aysan wali ogaan karin waxa askarigan ku xambaaray iyo xubno qoyskiisa kamid ah uu dilo, waxa ayna xuseen in ay socdaan baaritaano falkan ku aadan.

Dhacdadan dilka ah uu geestay akarigan katirsanaa ciidanka difaaca dalka Kenya ayaa noqotay mid si weyn loo hadal hayo, waxaana dadka Kenyan falkan ka bixiyeen aragtiyo kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -