Madaxtooyada Puntland oo lagu soo dhaweeyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur (Sawirro)

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo xubno la socday ayaa maanta gaaray magaalada Garawe ee caasimadda Puntland.

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay ergay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Axmed Karaash ayaa ergayga uga warbixiyay xaalada abaareed ee ka taagan deegaanada maamulka Puntland gaar ahaan dhulka miyiga, waxa uuna sheegay in dadka abaarta saameesay u baahan yihiin gurmad degdeg ah.

Ergay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa u sheegay ku-simaha Madaxweynaha Puntland in uu u tagay Garawe qiimeyn kana shaqeenayaan sidii gurmad loola gaari lahaa dadka abaarta saameesay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -