Maxaabiis Al Shabaabnimo loo heestay oo Dil ku xukunaa oo baxsaday iyo Lacag la dul dhigay madaxooda

Wararka ka imaanaya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in xalay xabsi kuyaalla magaaladasai ka baxsadeen maxaabiis loo heestay in ay katirsan yihiin Al Shabaab ,kuwaa oo qaarkood xukun dil ah lagu riday.

Maxaabiista xabsiga ka baxsatay ayaa wararku sheegayaan in ay gaarayeen ilaa todobo maxbuus , waxaana ciidamada ilaalada xabsigaasi oo eryaday maxaabiista dileen hal maxbuus halka ay soo qabteen saddex maxbuus oo mid kamid ah dhaawac yahay.

Waxaa baxsaday oo ciidamada maamulka Puntland baadigoob ugu jiraan saddex maxbuus oo kale oo kamid ahaa rag horey maxkamada ciidamada maamulka Puntland xukun dil ah ugu riday.

Taliska qeybta booliiska gobolka Mudug ee Puntland ayaa shaaciyay magacyada saddexda nin ee baxsadka ah, waxa ayna ka codsadeen shacabka in ragaasi haddii ay arkana kusoo wargaliyaan lana siin doono lacag abaalmarin ah oo gaareysa 2-kun oo dollar.

Booliiska ayaa sheegay in raga baxsaday kala yihiin Xasan Isaaq Maxamed, Maxamed Cali Maxamed (Istakin) iyo Liban Ciise Cali (Madaxkariye) , waxa ayna booliiska dadka ka codsadeen in xogta ragan lasoo wadaagaan.

Maxaabiistan ka baxsatay xabsiga kuyaalla magaalada Gaalkacyo ayaa horey loogu riday xukuno dil toogasho ah, waxaana lagu eedeeyay in ay katirsanaayeen Al Shabaab ayna ka dambeeyeen dilal iyo qaraxyo ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -