Ciidamada Maraykanka oo doon hub siday ka qabtay meel ku dhow Xeebaha Somalia (Sawirro)

Ciidamada badda Mareykanka ayaa sheegey inay ku qabteen oo ay ka hortageen hub gacanta Cadan oo ku dhow xeebaha Somalia, xilli ay dagaallo ka socdaan dalka Yemen.

Ciidamada ayaa war ay soo saareen ku sheegey in in markabka dagaal ee USS Jason Dunham uu qabtay doon siddey hub taasoo mareysay biyaha caalamiga ah ee gacanka Cadan Taladaadii la soo dhaafay.

Muuqaal ay baahiyeen militariga Mareykanka oo la si daayay Jimciha maanta ayaa muujinaya doontaasi yar ee hubka siddey oo Ciidamadu  sheegeen in doonida laga helay in ka badan kun qoryaha AK-47-ka ah.

Waxay sidoo kale ciidamadu sheegeen in aan la shaacin halka uu ku socdey hubka iyo cida soo dhiibtay balse saraakiisha ayaa sheegaya iney tuhunsan yihiin hubkan inuu ka yimid Iran, kuna socday kooxda xuuthiyinta shiicada ah ee ka dagaalama Yemen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -