Ciidamo cusub oo kamid noqonaya Booliiska ATMIS oo soo gaaray Muqdisho (Sawirro)

Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray ciidamo cusub oo kamid noqonaya booliiska ATMIS , ciidankan oo ka socda dalka Nageria ayaana bedelaya ciidamo kale oo dalkaasi ka socday oo dhameestay mudada howlgalkooda.

Ciidankan cusub ee katirsan ATMIS ee soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa gaaraya 160-askari , waxa ayna ciidankan taageero  dhinacyo kala duwan leh u fidin doonaan ciidanka booliiska Soomaaliya .

Ku-xigeenka Taliyaha Booliska, Fidelix Jonah Awu, oo hoggaaminayey ciidanka Muqdisho timid ayaa xusay in ay si waafi ah ugu diyaar garoobeen inay doorkooda ka qaataan horumarinta sareynta sharciga iyo dadaallada lagu soo celinayo xasilloonida Soomaaliya.

Ciidamadan cusub ee ka yimid dalka Nageria ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa qaba tababar fiican sidoo kale diyaar u ah in booliiskla Soomaaliya gacan ka siiyaan sugida amaanka iyo sidoo kale dhanka tababarada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -