Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xamse Barre oo ka shiray Dagaalkii Boosaaso raali gelina siiyay …

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay dagaalkii dhawwaan ka dhacay magaalada Boosaaso iyo xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo kulan ku yeeshay ayaa kawada hadlay xiisada ka dhalatay dagaalkii Boosaaso iyo sidii arrintaasi xal deg deg ah loogu heli lahaa.

Kulanka ka dhacay Villa Soomaaliya ayaa sidoo kale la sheegay in ay goobjoog ka aheyd guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee gollaha Shacabka Xildhibaan Sacdiya Yaasiin oo iyadu sabab u aheyn dagaalka iyo xiisada wali taagan.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Xamse xiriir dhinaca telfoonka la yeesheen Madaxweyne Deni oo dalka ka maqan ka raali galiyeen waxii dhacay, waxa ayna ka codsadeen in xaaladda la dejiyo xalna la raadiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ama Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa laga yaabaa in midkood safar deg deg ah ku tago deegaanada maamulka Puntland si xal ugu raadinayaan xiisada ka dhalatay safarkii Sacdiyo Salaad ku tagyay Boosaaso.

Diyaarad gargaar siday oo ay la socotay Guddoomiye kuxigeenka golaha shacabka oo laga celiyay garoonka Boosaaso ayaa sababay in ay dagaalamana ciidamo katirsan Puntland, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaaro xooggan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -