Iska Hor Imaad Khasaaro dhaliyay oo goordhaw ka dhacay Muqdisho

Waxaa goordhaw Iska hor imaad dhaliyay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay isgooska Towfiiq ee degmada Yaqshiid, Iska hor imaadkan ayaana u dhaxeeyay ciidamo katirsan dowlada.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in ciidamo kawada tirsan dowlada dagaal daqiiqado socday uu ku dhax maray Isgooska Towfiiq, walina lama oga waxa keenay in ay dagaalamaan ciidankan dowlada kawada tirsan.

Inta la xaqiijiyay hal askari oo katirsan ciidanka dagaalamay ayaa dhintay halka sadex kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana goobta lagu dagaalamay soo gaaray ciidamo kale oo dowlada katirsan kuwaa oo kala dhax galay ciidamada dagaalamay.

Magaalada Muqdisho waxaa mararka qaar ka dhaca iska hor imaadyo dhax mara ciidanka dowlada kawada tirsan, waxaana iska hor imaadyadaasi xiliyada qaar khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaraa dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -