Allbanaadir.com
NEWS

Khilaafka u dhaxeeya Wasiirka Maaliyada iyo Wasiiru Dowlaha oo banaanka usoo baxay (Akhriso Cadeyn)

Waxaa soo shaac baxay Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya  Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradaasi Maxamuud Xayir Ibraahim.

Wasiiru Dowlaha Maaliyada ayaa ka hor yimid qoraal kasoo baxay Wasiirka Maaliyada oo hada ku sugan dalka Biljamka, Wasiir Beyle ayaana Qoraalka uu soo saaray kusimahiisa waxa uu uga dhigay Wasiir kuxigeenka Wasaarada.

Maxamuud Xayir Ibraahim oo dhankiisa Qoraal soo saaray kuna Ogeysiiyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayuu uga hor yimid Warqada uu qoray Wasiir Beyle uu ku simaha uga dhigay kuxigeenkiiisa.

Khilaafka u dhaxeeya Wasiirka Maaliyada Soomaaliya iyo Wasiiru dowlaha ayaa ahaa mid mudo dheer soo jiitamayay, waxaana marar badan xalintan khilaafkan dhax galay kuna baxay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

          Halkan ka Akhriso Qoraalka Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirada shilalka gaadiidka ee sanadkan ka dhacay jidadka Muqdisho oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Waare iyo Gudoomiye Cusmaan Barre oo la diyaarinayo

Cabdi Cade

(Sawirro) Rooble oo qodobo xasaasi ah kala hadlay Gudoonka Guddiga doorashada federaalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---