Madaxdii hore ee Puntland oo cadeeyay cida Masuulka ka ah Dagaalkii ka dhacay Boosaaso

War saxaafadeed Wadajir ah oo ay soo saareen Madaxweynayaashii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo Cabdiweli Maxamed Gaas ayey uga hadleen shaqaaqadii ka dhacday magaalada Boosaaso.

Labadan Madaxweyne hore iyo xubno kale oo ku wehliyay war saxaafadeedka ayaa sheegay in shaqaaqada ka dhacday garoonka magaalada Boosaaso ay masuul ka tahay  Guddoomiye kuxigeenka-1aad ee golaha shacabka Sacdiya Salaad Samatar .

Waxa ay sheegeen masuuliyiinta qoraalka soo saaray in Sacdiyo Salaad ay baalmartay nidaamkii dowliga ahaa ee Puntland ka jiray ayna wargalin la’aan ka degtay magaalada Boosaaso sidaasna dhibaatada ku dhacday.

Halkan ka akhriso qoraalka ay soo saareen Madaxdii hore ee Puntland

1.Waxaan annagoo aad uga murugeysan ka tacsiyeyneynaa geerida iyo dhaawaca naxdinta leh ee ka dhalatay qalalaasihii ka dhacay Boosaaso 11kii  Bishaan June ee sanadkan 2022. Waxaan inti dhimatay Alle uga baryeynaa naxariis iyo dembi
dhaaf ehelkoodana samir iyo imaan. Inta dhaawaca ahna Allaha silyo caafimaad dhaqsa ah.

2.Waxaan si xoogganu cambaareyneynaa cidda masuulka ka ah dhibtaas weyn ee dhalisay dhimashada iyo dhaawaca, khalkhalkana gelisay xasiloonida Puntland.

3.Waxaa cad in dhibkii halkaa ka dhacdey iney mas’uul ka tahay Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Barlamanka Golaha Shacabka JFS Sacdiya Salaad Samatar iyadoo baalmartey nidaamkii dowliga ahaa oo dalku lahaa.

4.Waxaan ugu baaqeynaa geybaha kala duwan ee reer Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso inay ilaashadaan nabadda, xasiloonida iyo nidaamka dowladnimo ee Alle ku mannaystay.

5. Puntland waxay leedahay Maamul la doortay iyaga ayaan ah dariqa ugu mudan ee ay tahay in la maro xirirka Dowladda federaalka Soomaaliya iyo
Puntland.

6.Waa in laga fogaado wax kasta oo wax u dhimi kara isla shaqaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -