Amarro Culus oo la dul dhigay Ciidamada Milatariga ee hubka ku dhax wata Muqdisho

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay sii xumaanayay , waxaana magaalada kusoo badanayay dhaca iyo dhibaatooyinka kale ee geesanayaan burcad hubeesan oo qaarkood katirsan yihiin ciidanka dowladda gaar ahaan milatariga.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Genaral Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ay ka war hayaan dhacdooyinka amaan darro ee kusoo kordhay Muqdisho, waxa uu sidoo kale xusay in falalkaasi qaarkood ku lug yeesheen askar katirsan ciidanka milatariga .

Jeneraal Odawaa ayaa sheegay in la joojiyay in ciidan milatari ah magaalada ku dhax maraan hub, waxa uuna ku amray askarta in ay iska soo dhigaan dharka Ciidanka iyo qoryaha ay wataan marka ay soo galayaan Magaalada iyo marka ay tagayaan guryahooda.

”Si loo yareeyo Amni darrada magaalada ka socota, si loo ilaaliyo sharafka dareeska Ciidanka si loo dhis kalsnoonida ay bulshadeena ku qabi karaan Ciidanka, waa in Marka ay soo galaan ciidanka magaalada  in aysan aadin xaafadahooda, taliska Xamar ugu yaala waa in ay yimaadaan, waa in ay hubka iyo dareeska dhigaan ka dib waa in ay xaafadahooda aadaan” ayuu yiri Jeneraal Odawaa.

Taliyaha ciidanka xoogga Soomaaliyeed ayaa sheegay in hadda kaddib askarigii lagu arkaa magaalada dhaxdeeda isaga oo xiran dareeska ciidanka sidoo kale hubeesan uu lamid yahay burcada magaalada dhaca iyo dhibaatada ka geesaneysa lagana qaadayo tallaabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -