Xildhibaano kasoo jeeda Puntland oo War kasoo saaray Dagaalkii ka dhacay Boosaaso

Qaar kamid ah Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka ku matala dowlad goboleedka Puntland ayaa war saxaafadeed kasoo saaray dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.

War saxaafadeedka ay soo saareen xildhibaanada Puntland ku matalaya Baarlamaanka federaalka ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin dagaalkii shalay ka dhacay Boosaaso ee ka dhashay diyaarad gargaar siday oo laga celiyay garoonka Boosaaso.

Xildhibaanada ayaana ku baaqay  in laga fogaado wax kasta oo abuuri kara kala fogaansho ku yimaada Dawladda Federalka iyo Puntland, waxa ayna tacsi u direen ehelada dadkii ku dhintay dagaalkii ka dhacay Boosaaso.

Halkan ka akhriso war saxaafadeedka Xildhibaanada soo saareen

Xildhibaanada Puntland ku matala Labada Aqalka ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, waxay ka xun yihiin dhacdadii Nasiib darrada ahayf ee 11/07/2022, ka dhacday Magaalada Boosaaso.

Allaah ha u naxariisto Dhalinyaradii ciidamada ka tirsanayd iyo shacabkii halkaas ku geeriyooday, intii ku dhaawacmayna allaah u booga dhayo.

Xildhibaanadu waxay ku baaqayaan in la ilaaliyo nabadda, Midnimada iyo kala dambaynta Puntland.

Xildhibaanada Puntland ku matala labada Gole ee Baarlamaanka federalku waxay markasta u taagan yihiin, ilaalinta midnimada iyo wada-shaqayn hufan oo dhex marta Dawladda Federalka ah iyo Puntland.

Waxaan ku baaqayaan in laga fogaado wax kasta oo abuuri kara kala fogaansho ku yimaada Dawladda Federalka iyo Puntland.

Ugu dambayn, waxaan ka codsanaynaa Maamulka Puntland, ganacsada, qurbojoogta iyo cid kasta oo door ka qaadan karta in loo istaago gargaaridda dadka abaartu cayraysay iyo kuwa hadda la tacaalaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -