Kaniisada Midaynta oo Sabab u noqotay dilkii Ra’isul Wasaare hore Shinzo Abe

Farta ayaa lagu fiiqay Kaniisadda Midenytu in ay sababtey toogashadii lagu diley Raysalwasaarihii hore ee Jaban Shinzo Abe.

Ninka Toogtey Abe ayaa sheegay in hooyadiis ay ku musalaftey oo ku cayroowdey kadib markii ay dhaqaalaheedi ku wareejisey Kaniisada Midenyta oo ku sadaqaysatey, waxaana ninka hooyadiis u aarey aaminsan yahay in uu arintaas dhiiri geliyey Shinzo Abe, sida ay qortey wakaalada wararka ee AP.

Kaniisadda Mideynta Kuuriyada Koonfureed laanteeda Japan ayaa qiratay Isniintii in hooyada dhashay ninka loo xiray toogashada Ra’iisul Wasaarihii hore ee Shinzo Abe ay runtii xubin ka ahayd, laakiin waxay sheegtay in tuhmanaha laftiisa iyo Shinzo Abe midkoodna xubin uusan ka ahayn.

Abe ayaa la toogtay Jimcihii xilli uu ololaha doorashada ku jirey galbeedka Japan, booliiska ayaa u soo qabtey nin 41 jir ah oo shaqo la’aan ah, horayna uga tirsanaan jiray ciidamada badda ee dalkaas.

Ninka toogashada lagu eedeeyay ayaa booliiska u sheegay in uu beegsaday Abe sababtoo ah waxa uu aaminsan yahay in ra’iisul wasaarihii hore uu buun-buuniyey koox diimeed taas oo hooyadiis ay ku kedsoontey oo ay ugu deeqday lacag badan, waxayna sababtey in ay musalafto.

“Waa adag tahay in la fahmo sida nacaybka noocan oo kale ah uu u horseeday dilkan oo kale waa wax laga naxo,” sidaas waxaa yiri Madaxa kaniisadda dhaqaalaha loogu deeqay, Tomihiro Tanaka.

Inkastoo uu diiday in Shinzo Abe uu xubin ka ahaa kaniisadda la eedeeyey, si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in ra’iisul wasaarihii hore uu taageeray kaniisadda horumarinta nabadda.

Waa maxay Kaniisadda midayntu?

Warbaahinta Jaban waxay farta ku fiiqday kaniisadda, oo si buuxda loogu yaqaan Xiriirka Qoyska, Nabadda iyo Midaynta Adduunka

Kaniisadda waxaa la aasaasay 1954kii.

Aasaasaheeda, ayaa isku magacaabey Masiix ka soo horjeeda Shuuciyiinta waxaana ay taageertaa Kuuriyada Koonfureed. Dadka dhaleeceeya ayaa muddo dheer kaniisadda ugu yeeri jiray koox diimeed waxayna su’aal ka keeneen halka ay maal-gelinteeda ka timaado.

Abe, oo ah ra’iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa taariikhda Japan, ayaa caan ku ahaa muxaafidnimada, waxaana lagu eedeeyay inuu dib u habeyn ku sameeyay taariikhda dambiyada dagaal ee Jabaan intii lagu jiray dagaalkii labaad ee adduunka.

Waxa kale oo uu ka qayb galay munaasabad ay qabteen hay’ad xiriir la leh kaniisada bishii Sebtembar ee sanadkii la soo dhaafay halkaas oo uu ka jeediyay khudbad uu ku ammaanay shaqada kooxda kaniisaddu ay hayso ee horumarinta nabadda ee Kuuriyada Koonfureed.

Fadeexado deeqo ah

Madaxa kaniisada Tanaka ayaa xaqiijiyay in dadka qaar ay bixiyaan tabarucaad deeqsinimo ah, laakiin si ikhtiyaari ah.

“Cadadka deeqda ah waa mid u gaar ah qof walba,” ayuu yiri, “Waan u mahadcelineynaa kuwa bixiya deeqaha badan, laakiin ma jiro cadad khasab looga dhigo.”

Waxa uu qiray dhowr fadeexado oo la xiriira deeqaha hore laakiin waxa uu sheegay in aysan jirin wax dhibaato ah tan iyo markii la sameeyay tallaabooyin 2009-kii, ee sadaqadaha lagu xakameeyey.

Afhayeen u hadlay kaniisadda ayaa sheegay in ku dhawaad ​​300,000 oo taageerayaal ah ay ku leeyihiin Japan iyo ilaa 200,000 oo ku nool Kuuriyada Koonfureed.

W/Q Hanad Askar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -