Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Imaaraadka Carabta oo yeeshay Madaxweyne Cusub kadib geerida Sheikh Khalifa Bin Zayed

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta oo sabti ah yeeshay Madaxweyne cusub oo la wareegaya talada dalkaasi, kaddib geeridii shalay ku timid Madaxweynihii hore ee dalkaasi Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan .

Wakaaladda wararka ee dowladda Imaaraadka Carabta ayaa warisay in Golaha Sare ee Federaalka ee Imaraadka ayaa isku raacay in Madaxweyne cusub u doortaan Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan oo muddo soo ahaa dhaxal-sugaha Isutagga Imaaraatka.

Golaha Sare ee Federaalka dalka Imaaraadka oo ka kooban madaxda toddobada imaaradood ee dalkaasi ayaa kulan degdeg ah ay yeesheen kadib isku raacay in dhaxal sugihii hore ee Imaaraadka laga dhigo Madaxweynaha dalkaasi.

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa galay baroordiiq loo sameenayo geerida Madaxweynihii hore ee dalkaasi Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan oo shalay geeriyooday, kaddib xanuuno in mudo ah hayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu yahay Xeerka cusub ee WhatsApp ku rabo inuu dadka ku dirqiyo?

Caydiid Ali

Shan mucjiso oo lagu arkay dhul gariirka ku dhuftay dalalka Turkiga iyo Suuriya

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo xariga ka jaray Mashaariic laga hirgeliyey Kismaayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---