Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo booqday ciidamadii DF loogu tababaray dalka Eritreya (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo uu wehliyay Madaxweynaha Eritrea ayaa maanta kormeeray xerada ay ku jiraan ciidamado Soomaaliyeed oo dalkaas lagu tababarayay.

Ciidamadan oo sanadkii hore uu u dhamaaday tababarka ayaa halkaas ugu xayiran illaa hadda sababo aan la ogeyn.

Xassan Shiikh ayaa kala hadlaa madaxda Eritrea sidii ciidankaas loogu soo celin lahaa dalkooda iyo hadii ay jiraan caqabado hortaagan.

Madaxweynihii hore ee Somalia Farmaajo ayaa markii xukunka wareejinayey sheegay in ciidamo shan kun gaaraya DF loogu tababaray dalka Eritreya.

Waa markii ugu horeysay ee si rasmi ah loo arko muuqaalka askartaas tan iyo markii tababarka loogu qaaday dalkaas muddo ku dhow saddex sano kahor.

 

Related posts

Dhismaha Tariminalka cusub ee garoonka diyaaradaha Xudur oo xariga laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Wakiilka IGAD ee Soomaaliya

Cabdi Cade

Dukaan baahiyay Xayeesiin Caro badan abuurtay oo lagu weeraray South Africa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---