Q/Midoobay oo si kulul u cambaareysay fal ay ku kaceen ciidamada Israel

Madaxa gargaarka Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa  bayaan uu soo saaray ku dhaleeceeyay kolonyo gargaar oo Qaramada Midoobay ah oo rasaas lagu soo riday magaalada Gaza.

“Kolonyada si cad ayaa loo calaamadeeyay dhaq-dhaqaaqeedana waxaa lagala shaqeeyay dhinacyada, weerrarada ka dhanka ah shaqaalaha bani’aadamnimada waa sharci darro,” ayuu yiri Griffiths.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka iyo shaqada ee (UNRWA) ee Gaza ayaa sheegtay in kolonyada ay rasaas ku fureen askarta Israa’iil, sida uu sheegay agaasimaha hay’adda Thomas White.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inaysan ka war heyn fal noocan ah ayna baarayaan dhacdadan.

“Weligeen, si ula kac ah uma rasaasayn hay’ad iyo kolonyo gargaar,” ayuu yiri afhayeenka milatariga Israel Doron Spielman “Haddii tani khalad ahayd iyo haddii la xaqiijiyo, waanu soo soo sheegi doonnaa.” ayuu intaas ku daray.

Kolanyada ayaa ka koobnaa todobo baabuur oo ay Qaramada Midoobay leedahay, oo ay ku jiraan labo baabuur oo gaashaaman, iyadoo ay ku xardhan yihiin xarfaha “UN,” ayay tiri agaasimaha isgaarsiinta ee UNRWA Juliette Touma.

Touma ayaa sidoo kale sheegay in kolanyada la weeraray laga codsaday inay badalaan wadadii ay marayeen.

- Advertisement -