Waa imisa lacagta lagu abaalmarinayo Xulka France ee ku guuleystay Koobka Adduunka?

Xulka Faransiiska oo ku guulaystay Koobka Adduunka ayaa la guddoonsinayaa abaal marintii ugu sarraysay, sida uu shaaca ka qaaday madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Xulka Faransiiska ayaa salaam sharaf ka qaadan doona ciidamada dalkaasi, waxaana sidoo kale lagu marti qaadi doonaa aqalka madaxtooyada

Taagerayaal badan ayaa isu soo baxay garoonka diyaaradaha magaalada Paris ee Paris’ Charles de Gaulle si ay usoo dhaweeyaan xulka Faransiiska.

Xalay dadweyanaha Faransiiska waxay u dabaaldegayeen guusha, inkastoo meela qaar ay rabshado isku baddaleen.

Xulkii faransiiska ee ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa waxay jeebka ku ridan doonaan 29 milyan ginni.

Xulka kaalinta labaad galay ee Croatia ayaa waxay heli doonaan iyana 21 milyan ginni, halka Belgium 2-0 kaga badisay England kaalinta 3aadna gashay ay qaadanayaan 18 milyan oo ginni halka xulka ingiriiska oo kaalinta 4aad cariirsaday lagu abaalmariyay 16.5 milyan ginni.

Wadar ahaan lacagta abaalmarin ee lagu bixinayo Koobka Adduunka waa 320 milyan ginni, waana lacag ay xaqiijisay FIFA bishii October ee sannadkii 2017.

Xul kasta oo ka mid ah 32da xul ee ka qeybgalay Koobka Adduunka waxa ay abaalmarin ahaan u heli doonaan 1.2 milyan ginni madaama ay koobka u soo baxeen.

Afarta xul ee lagu soo reebay wareega sideed dhamaadka waxa ay heli doonaan 12.1 milyan ginni midkiiba, halka sideeda kooxood ee lagu soo reebay wareega 16ka ay heli doonaan midkiiba 9 milyan ginni oo dheeri ah.

16kii kooxood ee ku haray wareega group-yada sida Poland, Germany iyo Masar waxa uu midkiiba heli doonaa 6 milyan ginni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -