Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Lacag siiyay nin fashiliyay Qarax ay Al Shabaab ….

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu garab taagnaa taliyaha hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka {NISA} Mahad Maxamed Salaad ayaa muwaadin soo sheegay mooto Bajaaj siday qarax ay Al Shabaab doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka Sooamaliyeed guddoonsiiyey lacag dhan 20kun oo dollar.

Xamse Barre ayaa sheegay in tallaabadani lagu qabtay mootada qaraxyada waday ay ku timid wadashaqeynta iyo kalsoonida ay bulshada Soomaaliyeed ku qabaan hay’adaha ammaanka Soomaaliya.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa ku ammaanay muwaadinkaas qaraxa Al Shabaab damacsanaayeen fashiliyay dhiiranaanta iyo wadaniyadda uu muujiyey ee uu ku badbaadiyey nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada ammaanka ayaa marar badan fashiliyay qaraxyo la doonayay in weeraro lagu geesto, kaddib xogo ay ka heleen dad shacab Soomaaliyeed qaarkood.

- Advertisement -