Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo iyo Baaq u diray Dadka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamka ugu hambalyeeyey maalmaha barakaysan ee ciidda Carafo oo ah munaasabad qiimo weyn ku leh diinteenna Islaamka.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan gudanaya waajibaadka xajka in uu ka aqbalo acmaasha suubban, isagoo ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed in ay badiyaan maalmahan barakaysan, ducada iyo Alle bariga ku aaddan horumarka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyey sida uu uga muragaysan yahay xaaladda nololeed ee ay la tacaalayaan kumannaanka qoys, kuwaas oo ay saameeyeen abaaraha ka jira dalkeenna, waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay farxadda ciidda la qeybsadaan dadkooda dhibaateysan.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in sannadkan kan xiga ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo xasillooni, isaga oo kula dardaarmay in ay gacmaha isqabsadaan, qalbiyadana isu furaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad Afrikaan ah oo dhalasho siineysa ajaaniib ay ku jiraan dad Soomaali ah

Caydiid Ali

Toogasho lagu dilay wiil Soomaali ah oo ka dhacday Magaalada Stockholm

Caydiid Ali

Milateriga Itoobiya oo isku gedaamay caasimada gobolka Tigray ee Makelle

Caydiid Ali
Taboola Ads ---