Toogasho lagu dilay wiil Soomaali ah oo ka dhacday Magaalada Stockholm

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo xaafada Tensta oo ku taalla Waqooyiga magaalada Stockholm ee dalka Sweden waxay xalay saqdii dhexe halkaasi lagu toogtay wiil Soomaali ah oo ka tirsanaa dhalinyarada halkaas ku nool.

Wiilka la dilay oo 25 jir ahaa ayaa loola cararay isbitaalka oo markii dambe uu ugu geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.

Booliska ayaa xaqiijiyey in qofka la dilay uu Soomaali ahaa balse faafaahin dheeraad ah kama bixin magaciisa, sababta loo dilay iyo haddii ay dad u qabteen dilkan.

Toogashada ayaa ka dhacday nawaaxiga dukaanka Shabelle livs halkaasi oo booliska baaritaan ka bilaabeen iyagoo xiray goobta dhibaatada ka dhacday.

Stockholm gaar ahaan xaafadaha Rinkeby iyo Tensta ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca weeraro iyo rabshado la xiriiro dhalinyarada ku sugan magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -