Milateriga Itoobiya oo isku gedaamay caasimada gobolka Tigray ee Makelle

Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay inay ku hareereysan yihiin caasimadda Mekelle isla markaana ay isku diyaarinayaan sidii ay weerar kama dambeys ugu qaadi lahaayeen.

Waxaan maanta ku eg saddexdii maalmood ee dowladda Itoobiya u qabatay inay isku soo dhiibaan ciidamada Tigray xilli uu weli dagaal ka socda gobolka.

Waxaa laga cabsi in khasaare xooggan uu soo gaaro nus malyuunka qof ee ku nool magaalada Makelle, hadii halkaas lagu dagaalamo.

Madaxda TPLF waxay ku gacan seyrtay wakhtiga loo qabtay, waxay sheegeen in taageerayashooda ay diyaar u yihiin inay dhintaan iyagoo difaacayo dhulkooda.

Dowladda Itoobiya waxay diiday baaqyo caalami ah oo ku saabsan in wadahadal lagu soo afjaro colaadda.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay in si weyn uu uga walaacsan yahay xaaladda gobolka Tigray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -