Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Dowlada Chile oo dalab xasaasi ah u soo dirtay dhigeeda Soomaaliya

Ku Simaha Safiirka Safaaradda JFS ee Ethiopia ahna u qaybsanaha safaaradda Soomaaliya ee Midowga Africa iyo Hay’adda dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee UNECA mudane Shaafici Nuur Calas Faarax ayaa xarunta Safaaradda JFS ee Addis Ababa ku qaabilay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Chile Ambassador Alex Wetzig iyo danjiraha Safaaradda Chile  ee dalka Ethiopia Ambassador Fernando Zalaquett.

Kulankan ayaa ka dhashay codsi rasmi ah oo ay dhowaan Safaaradda Jamhuuriyadda Chile ee Addis Ababa soo gaarsiisay Safaaradda JFS ee Ethiopia, kaasi oo salka ku hayay baadi goobka taageero Diplomaasiyadeed oo ay Jamhuuriyadda Chile si rasmi ah u waydiisanayso Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dawladda Chile ayaa u sharaxan hogaaminta Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, waxayna ka dalbatay Dawladda Soomaaliya inay ku taageerto oo siiso Dawladda Chile codka rasmiga ah ee ay Soomaaliya ku leedahay fadhiyada rasmiga ah ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Chile ayaa ka mid ah dalalka ku yaalla koonfurta Qaarada Amerika, mana jiro xiriir diblomaasi oo horey u dhexmaray dowladaas iyo dhigeeda Somalia.

 

Related posts

Wasiiro su’aalo xasaasi ah lagu weydiiyey Baarlamanka Puntland

Caydiid Ali

Ciidamada amaanka oo qabtay Jaakad waxyaabaha qarxa lagu soo qariyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Puntland oo ka hadashay qorshaha lagu Maxkamadeenayo Axmed Madoobe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---