(Sawirro) Shir Madaxeedkii IGAD oo maanta ka furmay Nairobi iyo Soomaaliya oo..

Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furmay maanta shir madaxeedkii sanadlaha ahaa ee urur goboledka IGAD kaasoo looga hadlay dhibaatooyinka ka jira geeska Afrika.

Madaxweyne Xassan Shiikh oo safar ugu maqan dalka Turkiga ayaan ka qeyb galin shirkan, hase ahaatee waxaa Somalia ku metelaya Raisul Wasaare ku xigeenka xilka sii haya Mahdi Guuleed Khadar

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay madaxda IGAD iyo dowladda inay ka wada shaqeeyaan sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka.

Madaxweynahu waxa uu sheegay in ay ka mid yihiin xagjirnimada gacan ka hadalka ah, abaaraha iyo colaadaha hubaysan ee u baahan in madaxda IGAD ay si degdeg ah wax uga qabtaan.

Labadii sano ee la soo dhaafay oo kaliya, gobolka waxaa soo maray ayax saxare ah, abaaro ba’an oo weli socda, khataro badan oo la xiriira xag-jirnimada, colaadaha hubeysan iyo sida caalamka intiisa kale, gobolka lagama badbaadin. faafitaanka Covid-19.

“Waxaa intaa dheer, abaarta, oo ah tii ugu darneyd muddo 40 sano ah, waxay sii xoojisay cunto yarida, waxay qallajisay ilihii biyaha iyo barakaca dadka, taasoo sare u qaaday xiisado dhalin kara colaado cusub. Waxa loo baahan yahay in si degdeg ah loo maareeyo abaarta ka hor inta aanay noqon khatar laba-laaban,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Dhinaca kale Raisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, iyo hoggaamiyaha Sudan, Abdel Fattah Al-Burhan, ayaa ka wada hadlay sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka taagan xuduudda lagu muransan yahay ee labada dal oo dhawaan dagaallo ku dhex mareen ciidamadooda.

Abiy Axmed ayaa sheegay in labadooda hoggaamiye ay yeesheen wadahadal lagu xallinayo khilaaf kasta oo labada dal u dhexeeya.

Labada hoggaamiye ayaa ku kulmay caasimadda Kenya, ee Nairobi halkaas oo ay uga qayb galeen shir-madaxeedka IGAD

Midowga Afrika, UN-ka iyo IGAD ayaa dhamaantood ka dhawaajiyay walaaca ay ka qabaan xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Suudaan.

Saraakiisha Khartoum ayaa ku eedeeyay ciidanka Itoobiya in ay 7 askari oo Suudaani ah ka qabteen deegaanka lagu muransan yahay ee Al-Fashaga. Addis Ababa ayaa beenisay eeddaas.

- Advertisement -