Muqdisho: Qiimaha la kala siisto Xoolaha nool oo Sare u kacay iyo labo arrin oo sabab u ah

Qiimaha la kala siisto xoolaha nool gaar ahaan Lo’da, Geella iyo Ariga ayaa sare uga kacay Suuqyada dalka maalmihii ugu dambeeyey.

Sare u kaca ku yimid qiimaha xoolaha oo sanad walba xiligan oo kale la arko ayaa loo sababeynaa ganacsato kumanaan xoolo ah iibsata si ay ugu dhoofiyaan dalka Sacuudiga maadaama la joogo xiligii Xajka iyo heyaddo fara badan oo iyana iibinaya xoolo fara badan si loo gowraco maalmaha munaasabada ciidul Adxaa.

Sidoo kale abaaraha ka jira qeybo ka mid ah dalka ayaa qeyb ka ah sare u kaca Xoolaha siiba ariga, maadaama xoolo fara badan ay abaarta ugu bakhtiyeen biyo iyo baad la’aan.

Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa sheegay in qiimaha bil ka hor la iibin jiray neefka Ariga ah iyo kan hadda la iibiyo uu farqi weyn u dhexeeyo, iyagoo taasna ku macneeyey ariga Suuqa la keenayo oo aad u yar iyo dalabka oo badan.

“Neefka ariga ah ee birimada ah waxaa bil ka hor la kala siisan jiray $90 Dollar hase ahaatee waxaa uu gaaray illaa $150 dollar wax ku dhow Ariga suuqa la keenana aad ayuu u yar yahay” sidaa waxaa tiri Culumo Axmed haweeney magaceeda ku sheegtay oo ka mid ah ganacsatada Ariga ku iibisa Muqdisho.

Sidoo kale Geella iyo lo’da ayaa waxaa iyana laga dareemayaa sare u kac qiimaha la kala siisto inkastoo aanu la mid aheyn sida ariga iyo idaha.

Sanad walba marka la soo gaaro xiligan Xajka ayaa waxaa dalka Sacuudiga loo dhoofiyaa xoolaha gaaraya tobanaan kun oo neef kuwaasoo maraakiib kala duwan ay ka daabulaan dekedaha Boosaaso, Berbera, Muqdisho iyo Kismaayo, halka dhinaca kale gudaha dalka. maalmaha ciidul adxaa lagu gowraco kumanaan neef oo isugu jira Geela, Lo’da ariga iyo Idaha, kuwaasoo qarashaad badan ay ku soo iibiyaan dad ILAAHAY wax siiyey iyo heyado Islaami ah, iyagoo ka dibna sadaqo ahaan u siiya dadka danyarta ah.

Munaasabada Ciidul adxaa ayaa ku beegan maalinta Sabtida ah ee soo socota oo taariikhdu tahay 9ka bisha July 2022.

 

- Advertisement -