Kenya oo ka niyad jabtay baaqashada safarkii uu ku tegi lahaa Xassan Shiikh

Dowlada Kenya ayaa niyad jab ka muujisay booqasho la filayey inuu dalkaas ku tago madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud oo haatan safar ugu maqan dalka Turkiga.

Wasiirka beeraha ee Kenya, Peter Munya ayaa sheegay in maanta aan la saxiixi doonin heshiis ganacsi oo u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

“Madaama madaxweynaha Soomaaliya uusan ka qeyb galin shirkaas ayaa waxaa dib loo dhigay saxiixa heshiiska labada dal” ayuu yiri wasiirka

Heshiiskan wuxuu horseedi lahaa in dib loo furo qaadkii ay Kenya u dhoofin jirtay Soomaaliya oo sanadahii dambe joogsaday

Heshiiskan ayaa lagu waday in lagu saxiixo shir madaxeedka urur goboleedka IGAD ee ka dhacaya dalka Kenya, iyadoo la filayay in la qaado xayiraadii saarneyd labadii sano ee u dambeysay qaadkii Kenya.

Xassan Shiikh ayaa bedelkii uu ka qeyb geli lahaa shirkaas u diray RW ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed Khadar.

Bishii Juun ayay aheyd markii wasiirka beeraha Kenya uu shaaca ka qaaday in wadahadalada u dhexeeya labada dal ay galeen qeybtii ugu dambeeysay si heshiis looga gaaro in xayiraad ay Soomaaliya ka qaado qaadkii Kenya.

Soomaaliya ayaa hakisay qaadkii laga dhoofin jiray Kenya labo sannadood ka hor iyadoo sabab looga dhigayo xayiraadaha Covid-19, balse Hakinta ayaan marna la qaadin kadib markii uu soo shaac baxay khilaaf diblomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal.

- Advertisement -