Madaxweyne Deni oo safar aan la shaacin ugu ambo baxay Dalalka Kenya iyo ….

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saakay safar warbaahinta laga qariyay uga ambo baxay magaalada Garawe, waxa uuna u socdaalay dalka Kenya uu uga sii gudbi doono dallka Imaaraadka Carabta.

Sida aan wararka ku helnay safarka Madaxweynaha Puntland saakay uga ambo baxay magaalada Garawe ayaa lagu sheegay mid siyaasadeed, waxaana safarkan laga qariyay warbaahinta oo horey u tabin jirtay Madaxweynaha marka uu baxayo.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horeyn gaari doona magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas uu kula kulmi doono madax katirsam dowladda Kenya iyo siyaasiyiin horey xilal uga soo qabtya dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.

Siciid Deni ayaa safarka uu ku tagayo magaalada Nairobi uga sii gudbi doona dalka Isu taga Imaaraadka Carabta, halkaas oo iyana la filayo in uu kulamo kula qaato Madax katirsan dowladda Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ku guuldareestay in Soomaaliya ka noqo Madaxweyne iyo Ra’isul Wasaare, waxaana Deni oon lagala tashan magacaabista Ra’isul Wasaaraha dalka wax ka bedelay go’aankii uu maerkii hore uga soo horjeeday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -