Qodobada ay kawada Hadli doonaan Xasan Sheekh iyo Erdogan oo la shaaciyay

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray dalka Turkiga, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowladda Turkiga.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan kulan gaar ah la qaato Madaxweynaha dalka Turkiga Rajeb Dayib Erdogan,. waxaa sidoo kale Madaxweynaha la filayaa in uu la kulmo masuuliyiin kale.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan  iyo Erdogan ay kawada hadli doonaan arrimo ay kamid yihiin : xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa inta uu joogo Turkiga  uu la kulmo bulshada kala duwan ee Soomaaliyeed sida Jaaliyadda iyo ganacsatada si uu uga xog-wareysto xaaladdooda guud iyo horumarrada ay sameeyeen.
Booqashada uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku tagay dalka Turkiga ayaa noqoneysa tii ugu horeesay uu dalkaasi ku tago tan iyo markii dib loo doortay, waxaana dowladda Turkiga kamid tahay dowladaha sida weyn u taageera xilligan Soomaaliya.,
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -