Ra’isul Wasaare Frederiksen oo Shaacisay in dalkeeda la kulmay Weerar Naxariis darro ah

Dalka Denmark ayaa laga dareemayaa muragada ka dhalatay weerar nin hubeesan shalay ka geestay mid kamid ah xarumaha ganacsi ee ugu weyn dalka Denmark, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawaca.

Ninka hubeesan ayaa toogasho saddex qof uu ku dilay tiro kalana ku dhaawacay ka geestay suuqa Field ee kuyaalla koonfurta Copenhagen, waxaana weerarkan noqday mid cabsi iyo murugo badan ka abuuray dalka nabadda ku caanka ahaa ee Denmark.

Ra’isul Wasaaraha dalka Denmark, Mette Frederiksen ayaa tacsi u dirtay dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay toogashada ka dhacday suuqa Field, waxa ayna sheegtay in dalkeeda la kulmay weerar naxariis darro ah.

Mette Frederiksen ayaa ugu baaqday dadka reer Denmark in ay midoobaan isna taageeraan xilligan adag, waxa ayna sheegtay in caasimaddii quruxda badneed ee  Copenhagen in lagu bedelay ilbiriqsiyo.

Ciidamada dambi baarista dalka Denmark ayaa wada baaritaabnka toogashada ka dhacday xarunta ganacsi,. ciidamada ayaana gacanta ku haya ninkii ka dambeeyay weerarkaasi oo ah nin dhallinyaro ah oo u dhashay Denmark.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -