Ra’isul Wasaare Xamse oo maanta Wariye Caan ah iyo xubno kale xilal u magacaabay (Magacyada)

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta lagu magacacaabay xoghayaha joogtada xafiiska Ra’isul Wasaaraha, lataliyaal iyo xilal kale oo badan.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiskiisa u magacaabay Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr, isagoo uga mahadceliyay Xoghayihii hore ee xafiiska Mudane Maxamed Ibraahim Nuur howshii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay.

Wareegto kale uu soo saaray Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayuu sidoo kale lataliyaal ugu magacaabay :Cabdi Cali Awaare oo loo magacaabay lataliyaha arrimaha dib-uheshiisiinta, Kamaal Guutaale oo loo magacaabay lataliyaha Amniga, Axmednur Maxamed Cabdi lataliyaha arrimaha siyaasadda iyo Hodan Cusmaan oo loo magacaabay lataliyaha xariirka Caalamiga.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa sidoo kale afhayeenka xukuumadda  iyo madaxa warfaafinta u magacaabay wariye sare Farxaan Maxamed Jimcaale halka agaasimaha habmaamuuska loo magacaabay C/llaahi Shariif Cabdi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -