DEG DEG: Fanaanad caan ka ah Soomaaliya oo ku geeriyootay Isbitaalka Hargeysa

Waxaa la soo sheegay goor djow geerida fanaanadii caanla aheyd Khadra Dahir Cige. Ilaahay ha u naxariistee, waxaa ay ilaa 10 maalmood ku jirtay Isbitaal ku yaala magaalada Hargeisa

Marxuumad Khadra Dahir Cige waxay fanka Somalida ku soo biirtay 1974-kii, waxaanay muddo dheer ka mid ahayd fanaaniinta Somalida ee loogu jecel yahay.

Khadra Daahir Ilaahay ha u naxariistee ayaa dhowaan ka soo guurtay magaalada London oo ay ku nooleyd muddo badan, iyadoo ku soo laabatay magaalada hargeysa oo ay caawa ku geeriyootay.

Marxuumada ayaa la sheegay iney muddo dheer la ildarneyd cudurka halista ah oo Kansarka, waxaana geerideeda ka naxay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan fanaaniinta hobolada Qaranka ee Waaberi oo ay ka tirsaneyd xiligii beri samaadkii.

Khadra Daahir ayaa ka mid aheyd fanaaniintii tiir dhexaadka u ahaa fanka Soomaaliyeed, iyadoo ka soo qaadatay riwaayado fara badan oo xiligii beri samaadkii lagu soo bandhigay masraxyada dalka.

Khadra Daahir Cige oo bahda fanka ku soo biirtay 1974 ayaa aheyd gabar Caan ah oo ka dhex tilmaan fanka Soomaaliyeed.

Maareeyaha Golaha Murtida iyo wacyigelinta Abwaan Cabdiqaadir Shube iyo maareeye ku xigeenka Golaha Maxamed Xasan Barroow oo ku hadlaya magaca bahda fanka Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyeeyay geerigada Allaha u naxariisto Khadra Daahir Cige.

- Advertisement -