Waziirada & Xildhibaanadda Qaranka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Qowmiyadda Banaadiriga Soomaaliyeed shir muhiim ah oo ay ku yeesheen Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaa ay ka soo saareen Bayaankan Rasmiga ah ee quseeya Qadiyadda Matalaadda Gobalka Banaadir.
Xildhibaanada Qowmiyadda Banaadir, kaddib markii ay si dhow muddo badan u daraaseynayeen doodaha ku saabsan Matalaadda Gobalka Banaadir, Isla markaasna daraaseeyeen hadalladii ka soo yeerayey dhowaanahan siyaasiinta Beelaha kale, islana gorfeeyeen muhiimadda ay leedahay in Bayaan Rasmi ah oo go’aan wadajir ah ay ka soo saaraan arrinta Qaddiyadda Gobalka Banaadir, waxaa ay isla garteen, in iyaga oo cuskanaya:-
1. Dastuurka Kumeelgaarka ah qodobka 72aad Farqaddiisa (C) ee dhigeysa: Tirada guud ee xubnaha golaha Aqalka Sare waa in ay matilaad isu dheellitiran ku yeeshaan dhammaan qaybaha bulshadu.
2. Sharciga Doorashooyinka qodobkiisa 12-aad farqadiisa 5aad ee dhigeysa: Sida ku xusan Qodobka 72aad xarafka (C) ee Dastuurka waa in xisbiyada si dhab ah u hirgeliyaan nuxurka awood qaybsiga iyo isu dheelitirnaanta matalaada bulshada ee kuraasta Aqalka Sare.
Waxay si wada jir ah u soo saareen Go’aanadan Rasmiga ah:-
1. In ay Muqaddas tahay in la helo Matalaadda Gobalka Banaadir si rasmi ah oo dastuur ah, isla markaasna aan ku jirin xaqdarro iyo sad bursi
2. In Qowmiyadda Banaadiriga Soomaaliyeed ay tahay Qowmiyadda 1aad ee xaqa u leh Lahaanshaha Gobalka Banaadir, isla markaasna waajib qaran ay tahay in Qowmiyadda Banaadiriga la siiyo tixgalinta 1aad ee Matalaadda Gobalka Banaadir, iyada oo haatan ay qowmiyaddu ku dulman tahay matalaadda aqalka sare.
3. In Siyaasiinta ka hadleysa arrimaha Gobalka Banaadir ay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara is xaqiraad, xaalad abuur iyo kicin colaad.
4. In Siyaasadeynta qalloocan laga daayo arrinta Gobalka Banaadir, isla markaasna masiirka Gobalka loo daayo Qowmiyadda Xaqa u leh ee Banaadiriga iyo inta la deggan.
Sidaas darteed, Waziirada & Xildhibaanada Qowmiyadda Banaadiriga Soomaaliyeed waxaysan marna aqbali doonin arrin walba oo quseeya matalaadda Gobalka Banaadir ee aan Muhiimadda 1aad siineyn Qowmiyadda oo ah midda xaqa rasmiga ah u leh aayo katalinta Gobalka Banaadir.
Wabillaahi Towfiiq
1. Waziir Abdirashiid Mohamed Ahmed
2. Waziir Fahma Ahmed Nor
3. Xildh. Jeylaani Nor Iikar
4. Xildh. Biibi Khaliif Mohamed
5. Xildh. Lutfi Sheriff Mohamed
6. Xildh. Khaliid Ma’ow Abdulkadir