Al Shabaab oo war kasoo saartay Weerar xoogan ay ku qaadeen Xerada Balli Doogle

Al Shabaab ayaa saakay weerar isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah waxa ay ku qaadeen garoonka ciidamada cirka ee Balli-Doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay saldhig ciidan ku leeyihiin Ciidamo Mareykan ah iyo ciidamo katirsan dowlada.

Weerarka lagu qaaday garoonka Balli-Doogle ayaa ku bilowday qaraxyo laga soo buuxiyay gawaari, waxaana qarxyada kadib rag hubeesan weerar ku qaadeen qeybo kamid ah xeradaasi oo ah goob si weyn amaankeeda loo ilaaliyo.

War goordhaw kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerar xoogan ku qaadeen xerada Ciidamada Mareykanka joogaan ee Balli-Doogle, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in ciidankooda galeen kana dagaalameen gudaha xerada.

“Subaxnimadii hore ee saaka, ciidamo gaar ah oo ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta ee  Al-Shabaab ayaa duullaan halyeeynimo ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee garoonka Balidoogle, Garoonkaan wuxuu hooy u yahay boqolaal ka tirsan military-ga Mareykanka, waxaa sidoo kale laga hagaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Al Shabaab.
Al Shabaab warka ay soo saareen ayey ku sheegeen in dagaalyahanooda usuurto gashay in dagaal adag gudaha xerada kula galaan ciidanka Mareykanka, mana sheegin Al Shabaab khasaaraha ka dhashay weerarka ay ku qaadeen garoonka Balli-Doogle.
Garoonka Balli-Doogle ayaa kuyaala gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan meel kudhaw degmada Wanlaweyn, waxaana garoonkan xero ku dhax leh ciidamo Mareykan ah oo taageera ciidanka kumaandooska, waxa ayna ciidamada Mareykanka ka qeyb qaataan howlagalada ka dhaca gobolka Shabeelaha Hoose .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -