(Sawirro) Duqa Muqdisho oo qodob xasaasi ah kala hadlay saraakiisha Xoogga dalka

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kulan looga hadlayay howlgallada Gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha dhexe looga sifeynayo al-shabaab kula yeeshay degmada Dayniile Taliska Ciidanka Xoogga dalka.

Guddoomiyaha iyo Saraakiisha ka socotay Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa isla falanqeeyey muhiimadda uu amniga Caasimaddu u leeyahay xasilloonida dalka, iyagoo isku raacay in la dardargeliyo howlgallada looga sifeynayo al-shabaab Gobollada Shabellaha Hoose iyo Shebellaha dhexe.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu ka shaqeynayaa sidii loo xaqiijin lahaa amniga guud ee Caasimadda, anagoo isku raacnay in la dardargeliyo howlgallada looga sifeynayo kooxaha argagixisada Gobollada Shabellaha Hoose iyo Shebellaha dhexe” ayuu yiri Cumar Filish.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in xoreynta labadan gobol ay muhiimad weyn u leeyihiin daganaanshaha Caasimadda, loona baahan yahay in si buuxda loo xaqiijiyo amnigooda.

Saraakiisha ka socotay Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Maamulka gobolka Banaadir dadaalada xasilloonida loogu soo dabaalayo Caasimadda, iyagoo xusay in ay ka go’an tahay sidii guud ahaan dalka Amnigiisa loo xaqiijin lahaa.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka, Xildhibaano iyo saraakiil ka socotay qeybaha Ciidanka amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -