Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia oo War-saxafadeed soo saaray (Akhriso)

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya ugu hambalyeynaya sannadguurada 62-aad ee ka soo wareegatay madaxbannaanida dalkooda.

James Swan ayaa sheegay iney sii xoojin taageerada dhinac walba leh ee ay siiyaan Dowlada Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah.

“Wuxuu ku celinayaa sida Qaramada Midoobay uga go’an tahay sii wadista taageerada ay u fidiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, iyo shacabka Soomaaliyeed  dadaalka ay ugu jiraan sidii ay u dhisi lahaayeen ​​mustaqbalka dalkooda oo sidan ka nabad iyo barwaaqo badan” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska James Swan.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 1da Luulyo waxay ku beegan tahay xuska sannad guurada 62-aad ee ka soo wareegtay markii ay ka xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka gumeystihii Talyaaniga iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Related posts

Ciidanka Milatariga oo qarka u saaran in ay kasoo baxaan Furumaha dagaalka

Cabdi Cade

Somaliland oo guul weyn ka sheegatay Dagaal ka dhacay Ceerigaabo

Cabdi Cade

Wasiirka Gaashaandhigga oo ku baaqay in gacan bir ah lagu qabto dadka taageera Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---