Dowladaha Soomaaliya & Kenya oo kala saxiixday heshiisyo Qarsoodi ah (Xog Muhiim ah)

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Monica Juma ayaa shaaca ka qaaday in muranka Badda ee Somalia iyo Kenya ay labada dowladood ka gaareen heshiis dhigaya inaan Maxkamad la aadin oo wada hadal wax lagu dhameeyo.

Dowlada Soomaaliya ayaan illaa hadda ka jawaabin hadalka ka soo yeeray Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma oo haddii uu run noqdo fadeexad iyo weji gabax ku noqonaya dowlada.

Talaabadan ayaa ku soo aadeysa xili Maxkamada caalamiga ah ee Hegue uu hor yaalo kiiska dacwad ay u gudbisay dowladii Madaxweyne Xasan Shiikh oo ku saabsan muranka badda ee kala dhexeeya Kenya.

Haddaba Wakaaladda Wararka Allbanaadir ayaa heshay xog muhiim oo la xiriirta heshiiskaas qarsoodiga ah oo ay wada gaareen dowladaha Kenya iyo Soomaaliya.

Ilo wareedyo diblomaasiyadeed oo lagu kalsoon yahay ayaa Wakaaladda Wararka Allbanaadir u xaqiijiyey in hashiiskan labada dhinac ay wada gaareen ay dhexdhexaadintiisa door weyn ku laheyd dowladda Norway.

Qodobada heshiiskan qarsoodiga ah ayaa waxaa ka mid ah in dowlada Soomaaliya joojiso dacwadda dhinaca Badda ee ka furan Maxkamadda caalamiga ee Hague taas bedelkeeedna ay labada dowladood murankooda ku xaliyaan wadahadal.

Macluumaadka la helay ayaa sheegaya in geeddi socodka wadahadalada qarsoodiga ah ee ay labada dowladood ku jireen uu soo socday tan iyo bishii Juun ee sanadkii 2017.

Dhinaca dowladda Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku heshay balan qaadyo dhowr waji leh oo ku aadan xiriirka dowladda Kenya iyo maamul goboleedyada Soomaaliya, iyo waliba siyaasiyiinta mucaaradka ku ah ee dowladda.

Waxaa heshiiskan u dhigayaa in dowladda Kenya ay taageero siyaasadeed u muujiso dowlada Soomaaliya isla markaana joojiso gacan saarka ay la leedahay dowlad goboleedka Jubbaland ee uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Madoobe) oo si cad uga hor yimid dowlada dhexe, iyadoo ay durba soo if-baxeen dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed lagu wiiqayo awooddiisa, waxaana hoos u dhacay galaangalkii uu ku lahaa Kenya oo aheyd maskaxdii ka dambeysay inuu hogaamiyo Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa dareen xasaasi ah ka qaaday heshiisyadan hoose ee Somalia iyo Kenya gaareen iyo khatarta ay maamulkiisa ku yeelan karaan wuxuuna hoos galay dowladaha Itoobiya iyo Imaaraadka si uu uga helo taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo uu xukunkiisa ku ilaashado.

Qodobada Somalia iyo Kenya ku gaareen heshiiska qarsoodiga ah ayaa waxaa ka mid ah in dowladda Kenya ay iska fogeyso siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda Somalia, kana hor joogsato iney dalkeeda ka sameeyaan dhaqdhaqaaqyo siyaaseed ah ee lagu mucaaradayo dowladda Soomaaliya.

Kenya ayaa u muuqata iney fulisay qaar ka mid ah qodobadii heshiiskaas, iyadoo dhowaan is hor taag ku sameysay kulan ballaaran oo uu magaalada Nairobi ku qaban lahaa C/raxmaan C/shakuur oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradsan dowlada Somalia.

Sidoo kale, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay dhowaan inaan la aqbali Karin fara gelin qaawan oo uu sheegay in qaar ka mid ah dowladaha Khaliijka ay ku hayaan arrimaha gudaha ee Somalia, iyadoo ereyadiisa laga dhadhansan karay inuu ku taageerayo dowlada Somalia oo khilaaf meel adag gaaray uu kala dhexeeyo dowlada Imaaraatka Carabta.

Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah dadka falanqeeya arrimaha Somalia ayaa sheegaya in heshiiskan qarsoodiga ah ee lala galay Kenya uu si weyn u dhaawacayo  taageerada dowladu ka heysato shacabkeeda, ayna weji gabax ku tahay dowlada in heshiis qarsoodi ah oo ay gashay laga maqlo dowlad kale.

Abdirahman Xuseen Mamaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
London-UK
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -