Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Muxuu Axmed Madoobe ku soo arkay xaafadaha degmada Dhoobley?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta kormeeray xaafadda Danwadaagta ee Degmada Dhoobley halkaas oo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa ujeedkiisu ahaa u kuurgelidda xaaladda ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah, wuxuuna qorshuhu yahay in hay’adaha samafalka iyo cid kasta oo ay khusayso loo gudbiyo xaaladda dadkaan si looga jawaabo baahiyahooda.

Dadka ku nool xaafadda Danwadaagta ayaa isugu jira dadkii kasoo laabtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo dad kale oo ku barakacay gudaha sida dadka ay saamaysay abaarta.

Dadkii ugu dambeeyey ee deegaanka soo gaaray ayaa kasoo barakacay tuulooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolada Jubbada Dhexe iyo Gedo.

 

 

Related posts

Duqeyn lagu dilay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo ka dhacday Koonfurta Somalia

Caydiid Ali

Dibed-baxyo looga horjeedo Maamulka Puntland oo ka ka dhacay gobolka Bari (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne William Ruto oo xal u raadinaya colaada ka aloosan dalka Sudan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---