Dibed-baxyo looga horjeedo Maamulka Puntland oo ka ka dhacay gobolka Bari (Sawirro)

Dibed-baxyo looga soo horjeedo maamulka Puntland laguna diidan yahay xariga guddiga dhismaha wadada Boosaaso ayaa ka dhacay degaano ka tirsan gobolka Bari.

Degaanada ay ka dhaceen dib baxyada ayaa waxaa ka mid ah degaanka Carmo oo maanta ay iskugu soo baxeen shacab ka kooban qeybaha bulshada oo muujinayey dareenkooda ku aadan sida ay uga xun yihiin xariga guddiga.

Shacabka iskugu soo baxay degaanka carmo oo socod nabad ah ku maray wadooyinka degmadaas ayaa ku dhan ah ereyo ka dhan ah Maamulka Puntland, laguna taageero dowlada federaalka Somalia, iyagoo sidoo kale dalbaday in shuruud la’aan la sii daayo guddiga dhismaha wadada Boosaaso oo ay sheegeen ineysan jirin dembi ay galeen.

Dibed-baxayaasha ayaa sidoo kale watay boorar waaweyn oo lagu taageerayey guddiga, iyo kuwo kale oo lagu xardhay sawirada madaxweynaha iyo raisul wasaaraha dowlada Somalia.

Maamulka Puntland ayaa waxaa heysata xasarad ka dhalatay xariga guddiga dhismaha wadada Boosaaso oo loo xiray dhaqaale ay ka heleen dowlada Soomaaliya.

Shacabka iyo waxgaradka gobolka Bari ayaa isweydiinaya sababta maamulka Puntland uu talaabo uga qaadey guddiga dhismaha wadada Boosaaso ee dhinaca kalena uu talaabo uga qaadi waayey guddiga dhismaha garoonka Cawaale ee magaalada Gaalkacyo oo loo fasaxay dhaqaalaha ay ka heleen dowlada dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -