Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo saakay si rasmi ah u shaqo bilaabay

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah ugu shaqo bilaabay Xafiiskiisa , kaddib markii uu shalay xilka la wareegay.

Ra’isul Wasare Xamse Cabdi Barre ayaa saakay usoo shaqo tagay xafiiskiisa , waxa uuna Ra”isul Wasaaraha kulamo la qaatay qaar kamid ah shaqaalaha xafiiskiisa iyo agaasimayaasha kala duwan iyo xafiiska Ra’isul Wasaaraha.

Xamse Barre ayaa shalay xilka kala wareegay Ra’isul Wasaarihii ka horeeyay Maxamed Xuseen Barre, waxaana Ra’isul Wasaaraha cusub laga sugayaa maalmaha soo aadan in uu soo magacaabo golle wasiiro cusub.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaare Xamse ayaa wada wadatashiyo ku aadan magacaabista golaha wasiirada iyo xubnaha laga yaabo in lagu soo daro xukuumadda cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -