Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo ka Jawaabtay eedeymo culus oo uga yimid Somaliland

Maamulka Somaliland ayaa ku eedeesay dowladda federaalka Soomaaliya in sannadkan musuqmaasuqday, saamigii ay ku laheyd tirada xujeyda ee ugu tala gashay Boqortooyada Sacuudiga in Soomaaliya ka yimaadaan.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta dowladda federalka Soomaaliya, Cumar Cali Rooble ayaa beeniyay eedeynta uga timid Somaliland, waxa uuna sheegay wasiirka in Somaliland in cadaadis saartay dadkii Hargeysa ka bixi lahaa.

Waxa uuna Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya beeniyay in nidaamka beelaha ee 4.5 lagu qeybsaday tirada Sucuudiga uu sanadan siiyay iney Soomaaliya ka soo xajiso, waxa uuna warkaasi ku tilmaamay mid la been abuuray.

“Runtii waxaan ognahay xujeydii Soomaaliyeed ee ka bixi lahayd Hargeysa waa la cadaadiyay, waa la siyaasadeeyay. Ma doonayn shacabkaas Soomaaliyeed ee halkaas ku nool in la dibaateeyo, madaxweynuhu arrintaas wuu iga hadlay,” ayuu yiri wasiirka Diinta iyo awqaafta Soomaaliya.

Wasiir Cumar Cali Rooble ayaa sheegay in shirkadaha ku guuleestay qaadista xujeyda Soomaaliyeed ku cadaadiyaan in Somaliland ka qaadaan dadka baxaya, balse maamulkaasi diideen in xujeyda Somaliland ka baxeysa ka dhoofaan garoomada Somaliland.

Xujeyda sannadkan ka baxaya deegaanada Somaliland ayaa duruuftu ku qasabtay in ay ka baxaan garoomo diyaaradeed oo kuyaala magaalooyinka Garawe iyo Jigjiga oo ka kala tirsan Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Cawad & danjire James Swan oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaalka Mahdi Guuleed & Cabdi Xaashi oo ka sii daray iyo shirkii Wadatashiga oo..

Caydiid Ali

Rabshado xooggan oo ka socda UK iyo Keir Starmer oo si adag u hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---