Ciidamada Eritrea oo heegan buuxa laga galiyay iyo dagaal laga cabsi qabo

Dowladda Eritrea ayaa shaacisay in heegan buuxa galisay ciidankeeda ayna diyaar u yihiin in ay iska difaacaan weerar kasta oo kaga yimaada dhinaca dalka Itoobiya gaar ahaan jabhada TPLF .

War kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dalka Eritrea ayaa lagu sheegay in Jabhada TPLF ay qorsheenayaan in weerar kusoo qaadaan qeybo kamid ah dalka Eritrea,waxa ayna wasaaraddu shaacisay in ciidankooda diyaar u yihiin kahor taga duullaankaasi.

Wasaaradda warfaafinta dalka Itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in dagaal dhinaca xadka uu ku dhax maray ciidankooda ilaalada xuduudaha iyo xoogag taabacsan kooxda TPLF ee dagaalka ka wada Waqooyiga Itoobiya.

Dowladda Eritrea ayaana sheegtay in ay qaadeyso tallaabo kasta oo looga hortagi karo duullaan uga yimaada dhinaca TPLF, waxa ayna dowladda cadeesay in ciidankooda u diyaarsan yihiin difaaca dadkooda iyo dalkooda.

Kooxda TPLF  ayaa horey isaga caabisay duullaan ay isku garabsanayteen ciidamada federaalka Itoobiya, kuwa dowlad deegaanada iyo ciidamada Eritrea, waxa ayna TPLF lasoo baxday awwood ay dib ugu ceshatay deegaano badan oo horey looga qabsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -