Maleeshiyo qabsatay saldhig ciidanka Puntland ku leeyihiin Gaalkacyo (Sababta)

Maleeshiyo hubaysan oo ku hayb ah Duqii hore ee Gaalkacyo Nabadoon Yaasiin Cabdisamad ayaa la wareegtay saldhig Booliska Puntand ku leeyihiin xaafadda Siinaay ee magaaladaasi.

Raggan hubaysan oo maalmahanba dhaqdhaqaaqyo ka waday gobolka Mudug ayaa ka careysan dhacdadii uu ku dhaawacmay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad.

Saraakiisha hogaamineysay ciidankii la wareegay Saldhiga Siinaay ayaa sheegay in dhacdada ay saldhiga kula wareegeen aysan xiriir la laheyn arinta Nabadoon Yaasiin Cabdisamad, balse ay tahay cabasho ay ka qabaan dowladda, iyagoo ka gaabsaday inay sheegaan cabashada.

Maalmo ka hor aheyd markii Kooxo maleeshiyo ah ay xirteen wadada muhiimka ee isku xirta Galkacayo iyo magaalada ganacsiga ee Bosaso iyagoo ka careysan in Maamulka Puntland uu xal ka keeni waayo dhacdadii lagu dhaawacay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad.

Bishii Abriil ee sanadkan ay aheyd markii ciidamo ka tirsan Booliska Gaalkacyo ay tageen goob Wasiirka arrimaha dibeda ee Somalia Cabdisaciid Muuse Cali uu afur ugu sameynayey xubno ka tirsan qoyskiisa, waxaana iska horimaad halkaas ku dhexmaray ilaalada wasiirka iyo ciidanka amaanka Puntland ku dhaawacmay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo la joogay wasiirka iyo xubno kale.

Booliska gobolka Mudug, ayaa la sheegay inay goobta u tageen si ay u joojiyaan shir lagu sheegay inuu goobta ka dhacayo, balse mar dambe waxaa la xaqiijiyay in kulanka uu ku koobnaa oo kaliya afur

.

- Advertisement -