Somaliland oo Kenya u bandhigtay fursad ay ku heleyso Malaayiin dollar

Ganacsatada Qaadka ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay geni ahaan joojinayaan qaadka ay ka keenaan Itoobiya.

Shir jaraaid oo ay ku qabteeb magaalada Hargeysa ayey ku sheegeen in 6-da bisha soo socota ay joojiyaan Qaadka ay ka keenaan degaanka Oromada ka dib markii dowladda Itoobiya ay kordhisay cashuurtii ay ka qaadi jiray.

Sidoo kale waxay sheegeen iyo ganacsatada Oromada ay doonayaan inay iyagu qaadka keenaan Somaliland.

“Oromadii waxay yiraahdeen 1-kg ee Jaad a ay ku keenayaan $10, halka uu markii hore $2 waxay ku mar kaliya kordhiyeen $8 anaguna waan diidnay, mana ahan qiimo caqli gal ah” ayuu yiri Afhayeenka Ganacsatada Qaadka ee Somaliland.

Waxaa uu xusay in Wixii ka dambeeya 6-da bisha July ee soo socota ay Qaadka ka keeni doonaan dalalka kenya iyo Itoobiya.

Talaabadan ayaa waxay fursad u tahay beeralayda Qaadka ee Kenya oo sanadiihii la soo dhaafay uu ka xirmay suuqii Somalia, kuwaasoo hadda helay Suuq cusub oo ay ka heli karaan malaayiin Dolar sanadkiiba.

- Advertisement -