Allbanaadir.com
MUUQAALONEWS

Daawo Muuqaal “Soomalida isirkooda ama faracooda maka kasoo jeedo carab raad raac dhab ah!!

Soomalida badankeed waxay aaminsan yihiin in isirkooda ama faracooda uu kasoo jeedo carabta, arrintaasi oo soomaalida qaar aysan la qabin dadkiisi carabnimada sheegtay, iyagooo qaba fikirka ah in soomaalida ay yihiin shucuub kale oo soomaali lagu magacaabo.

Sheekada dhahaysa soomaalida isirkeeda waa carab waxaa keenay qaar kamid ahaa culumaa’udiinkii Soomaaliyeed,laakiin dhibaatada jirta waxay tahay wadaadadaasi marnaba masoo bandhigin daliilo lagu qanci karo.
Sheegashada carabnimada ma ahan mid ku eg soomaalida kaliya, waxaa jira dadyoow kale oo qaaradaha dunida kala dagan oo sheegta in isirkooda uu yahay carab, walibana ciriqooda uu galo Nabbi Muxamed NNK, dadkaasi waxaa kamid ah, Hawaiyiinta daga shiinaha,Haisaha Naajeeriya, iyo Ashaantiiga Gaana.
Hadaba Soomaalida qaar waxay sheegteen in ay kasoo farcameen Caqiil Bin Abii Daalib, oo Nabbiga ilmo adeerkiis ah, waxayna sheegeen, in uu yimid qaarada afrika isaga oo kasoo cararay cadaadis uu kala kulmay dadkii Makka daganaa. Hadaba arrintaani waxay u muuqataa mid aan waxba ka jirin, taariikhda Islaamka meel ay kaga xusan tahay ma jirto in caqiil uu yimid Afrika.
Taariikda islaamka waxaa ku xusan asxaabtii usoo qaxday dhulka xabashida in uu hogaaminayay Jacfar Bin Abii Daalib. sidaasi darteed marnaba lama heli karo in caqiil uu afrika yimid.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
London-UK
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi oo Xilalkii ka qaaday Masuuliyiin sar sare oo katirsanaa Maamulkiisa

Cabdi Cade

Faahfaahin: TPLF oo mar kale Gantaallo ku garaacday xarunta gobolka..

Caydiid Ali

Qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho oo caawa la xiray ka hor kulanka beri ee Baarlamanka

Caydiid Ali