Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u Mahadceliyay Golaha Shacabka Fariina u diray R/W Xasme Barre

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixinta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo 15-kii Bishan uu magacaabay Madaxweynuhu.

“Mahad ballaaran ayaan u jeedinayaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ila qaatay magacaabista Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo aan markii horeba ku soo xulay aqoonta iyo kartida hoggaamineed ee uu u leeyahay howlaha hortabinta u leh dalkeenna.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay rajada shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan dhismaha Xukuumad tayo leh oo ka shaqeysa samatabixinta dadka Soomaaliyeed iyo xaqiijinta yoolka Soomaali heshiis ah, Dunidana heshiis la ah.

“Waxaan kula dardaarmayaa Raiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre in uu soo dhiso Xukuumad ka shaqeysa xoojinta amniga, gurmadka abaaraha, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dib u eegista dastuurka, xoojinta dowladnimada, iyo hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dunida.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday shacabka Soomaliyeed in ay ku garab istaagaan Raiisul Wasaaraha cusub gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee horyaalla, isagoo ugu duceeyey in uu ka soo dhalaalo masuuliyaddan culus.

 

Related posts

Cabsi lasoo daristay dadka baraha bulshada Isticmaala ee jooga Muqdisho iyo Tv-yada oo…

Cabdi Cade

Sawirro: Laba Wasiir oo Muslin ah oo markii ugu horraysay ka mid noqday golaha wasiirada dalka ….

Cabdi Cade

Qaraxyo waaweyn oo ruxay bartamaha Magaalada Beirut (Sawirro+Video)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---