Qaraxyo waaweyn oo ruxay bartamaha Magaalada Beirut (Sawirro+Video)

Laba qarax oo waaweyn ayaa ruxay magaalada Beirut ee caasimadda dalka Lebanon, kuwaasoo dhaawacay tobaneeyo qof.

Qaraxyadan ayaa qaac badan iyo uuro madow ku sii daayey hawada magaalada.

Warbaahinta Lebanon ayaa baahisey muuqaallo muujinaya dadweyne ku hoos jiray burburka dhismooyin, kuwaasoo qaarkood dhiig badan uu ka daadanayey, Illaa iyo haddana lama yaqaan waxa sababay qaraxyada.

“Qaraxyada waxaa ku dhaawacmay tobaneeyo qof,” waxaa sidaas yiri ilo-wareedyo amni oo intaas ku daray in laga cabsi qabo khasaaraha qaraxyadan inuu sii kordho.

Weriye ka tirsan AFP oo goobta ku sugan ayaa sheegay in dukaan kasta oo ku yaalla degmada ganacsiga ee Hamra, ee qaraxa uu ku dhacay, ay waxyeello soo gaartay, ayada oo dhammaan qeybahooda hore ay burbureen, halka baabuur bandanna sidoo kale ay waxyeelo gaartay.

Waxaa la arkayey dad dhaawac ah oo waddooyinka soccda, kuna sii jeeda xarumaha caafimaadka iyadoo qaarkood uu dhiig daboolay jirkooda.

Qaraxyada ayaa laga maqlay meelo fogaanshahooda uu gaarayo magaalada Nicosia ee jasiiradda Qubrus, oo 240 km u jirta Beirut taasoo muujineysa sida ay xoog badnaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -