Cabsi lasoo daristay dadka baraha bulshada Isticmaala ee jooga Muqdisho iyo Tv-yada oo…

Ciidamada booliiska ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa bilaabay in ay xir xiraan qaar kamid ah dadka sida khaldan u isticmaala baraha bulshada, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya kicinta bulshada iyo kuwa aflagaadeeya madaxda qaranka.

Xabsiyada Muqdisho waxaa hadda ku xiran ku dhawaad 50-qof oo ciidamada siyaabo kala duwan usoo xireen,kuwaa oo dhamaantood ku eedeysan ficilo ay baraha bulshada ka sameeyeen, sida kicin bulsho, iyo iska horkeyn qabiil iyo aflagaado.

Waxaa hadda cabsi xooggan lasoo daristay qaar kamid ah dadka baraha bulshada sida khaldan u isticmaali jiray, kuwaa oo ka cabsi qaba haddii ay hadlaan ayna sameeyaan ficillo khaldan xabsiga la dhigo.

Sidoo kale waxaa cabsi dareemaya dad horey warbaahinta uga sheegay hadallo kicin iyo qabyaalad ah, iyo kuwa madaxda dalka ku eedeeyay boob iyo arrimo kale, kuwaa oo ka cabsanaya in la beegsado oo kiisaskaasi hore loo xiro.

Telefishinnadii inta badan waddooyinka dadka ku wareesan jiray ee mararka qaar xaaladaha abuuri jiray ayaa hadda la’ cid ay wareestaan, dadka ayaana iska diidaya in ay hadlaan iyaga ka cabsi qaba in ay baxar galaan oo la xiro.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda bilowday in ay xirto oo ay beegsato dadka sida khaldan warbaahinta iyo baraha bulshada u isticmaasha, kuwaa oo waxii ay doonaan sheegi jiray ciddii ay rabaana caayi jiriay, iyaga oon sharciga ka cabsaneyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -