Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo kooxda Taalibaan ku wareejiyay Maxbuus muddo 15-sanno ah u xirnaa

Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay in xabsiga kasii deysay mid kamid ah labadii maxbuus ee ugu dambeeyay oo u dhashay dalka Afgaanistan, oo ku xirnaa xabsiga weyn ee Guantanamo Bay ee ku yaalla dalka Cuba.

War kasoo baxay ururka Taalibaan ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka xabsiga Guantanamo Bay kasii deysay Asadullah Haroon, oo u dhashay dalka Afganistan, kaa oo muddo 15-sanno ah ku xirnaa xabsiga Mareykanka maamulo.

Taalibaan ayaa sheegtay in sii deynta maxbuuskan ka dhalatay wadahadal toos ah ay la yeesheen dowladda Mareykanka, waxa ayna xuseen Taalibaan in maxbuuskan lagu wareejiyey saraakiisha Taliban ee ku sugan magaalada Doha ee dalka Qatar.

Kooxda Taalibaan ee la wareegtay talada dalka Afganistan ayaana soo dhaweysay sii deynta maxbuuskan Mareykanka gacanta ugu jiray, waxa ayna ugu baaqeen Mareykanka in ay sii daayaan maxbuuska kale ee wali gacantooda ku jira.

Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa Arbacadii sheegtay in sii deynta Haroon ay daba socotay go’aan ka soo baxay maxkamadda Mareykanka oo ahaa in Pentagon-ka uusan hadda lahayn awood sharci ah oo ay ku sii hayn karto.

Xabsiga Guantanamo Bay waxaa ku haray Muhammad Rahim oo isna u dhashay dalka Afgaanistan, ninkan ayaa dowladda Mareykanka sheegtay in xiriir aad u dhawaa la lahaa hoggaamiyihii la dilay ee ururka Al Qaacida Osaama Bin Laadin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Trump oo qaadaya talaabo culeys weyn ka dejineysa Al-Shabaab

Caydiid Ali

Muxuu dhigayaa heshiiska xabad joojinta ee ay aqbashay Xamaas? (Faahfaahin)

Caydiid Ali

Maxaabiis isku dayday iney ka baxsato xabsiga Baydhabo oo la toogtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---