Allbanaadir.com
NEWS

Toogasho dad badan lagu laayey oo ka dhacday Maraykanka & Wararkii ugu dambeeyey (Daawo Sawirro)

Toogasho ayaa ka dhacday dhismaha Wargeyska Capital galabnimadii talaadada xiliga Maraykanka, waxaana lagu dilay dad gaaraya shan qof, tiro kalena waa la dhaawacay

Weriye meesha joogay ayaa sheegay in qof hubaysan uu dadka ka toogtay muraayada dhismaha.

Shir jaraa’id oo maamulku ay qabteen ayaa lagu sheegay inay dhacday toogasho galabnimadii Talaadada ”Dad badan ayaa shilkani ku dhintay’ Waxaa sidaasi yiri sarkaal maamulka u hadlay.

Boolisku waxay sheegeen inaysan sheegi karin nooca hubka la isticmaalay.Waxayna intaasi raaciyeen in qofka laga shakisan yahay la qabtay ay boolisku baaritaan ku hayaan.

Waxaana baaritaanada socda ka qaybqaadanaya hay’adaha amaanka oo FBI ay ka mid tahay.

Sarkaal lagu magacaabo Ryan Frashure ayaa sheegay inaanan la xaqiijin karin in toogashadu ay ka dhacday qolka wararka. Waxuuna intaasi raaciyay in boolisku ay weli dadka ka saarayaan dhismaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dowlada Somalia oo ka hadashay cilad maanta qabsatay dayuurada Turkish Airlines

Caydiid Ali

Jubbaland oo ka jawaabtay War shalay ka soo baxay Wasaarada Arrimaha gudaha Somalia

Caydiid Ali

Dayuurado isku dhacay & dhamaan dadkii la socday oo geeriyooday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---