Allbanaadir.com
NEWS

Wiil iyo Adeerkiis oo caawa lagu dilay xaafad katirsan magaalada Muqdisho

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa caawa fiidkii xaafada Suuq Liif ee degmada Dharkeenley waxa ay ku dileen labo nin oo kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana dilka kadib goobta isaga baxsaday ragii fuliyay.

Sida aan wararka ku helnay labada nin ee la dilay oo magacyadooda lagu sheegay Cabdi Cusmaan Cali iyo Xuseen Cabaas Cismaan ayaa la dilay xilay ay meel wada fadhiyeen, waxaana labadan nin ee la dilay la sheegay in ay ahaayeen wiil iyo adeerkiisa.

Ciidamada ammaanka ayaa soo gaaray goobta dilku ka dhacay, waxaana meydadka labada nin ee la dilay loo qaaday xarunta CID-da halkaas oo baaris kadib loo gudbiyay isbitaalka Madiina .

Wali lama oga cida ka dambeesay dilkan caawa ka dhacay xaafada Suuq Liif ee degmada Dharkeenley, mana jiro wax war ah oo laamaha ammaanka kasoo saareen dilkan caawa ka dhacay Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Erdogan oo diiday ka qeyb galka shirka Isbedelka cimilada iyo hal sabab oo ka dambeysa

Caydiid Ali

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay Iscasilaadii Wasiir uu dhawaan magacaabay

Cabdi Cade

Gudoomiye Amiir oo shan arrin kala hadlay Zafer EÅŸki (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---