Xilliga golaha shacabka codka Kalsoonida u qaadayaan R/Wasaare Xamse oo la shaaciyay

Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in beri oo Sabti ah kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho ayna codka kalsoonida u qaadaan Ra’isul Wasaaraha magacaaban ee Xamse Cabdi Bare.

Qoraal goordhaw kasoo baxay guddoonka golaha shacabka ayaa lagu wargaliyay xildhibaanada in ay soo xaadiraan kulanka beri oo ajandihiisu yahay kalsooni siinta Ra’isul Wasaaraha magacaaban.

”Beri oo Sabti ah 25 June waxaa jira kulan-weynihii Golaha Shacabka Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Ajendaha kulanka u codeynta kalsooni siinta R/Wasaaraha magacaaban” ayaa lagu yiri qoraalka loo diray xildhibaanada.

Ra’isul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa haddii uu helo codka kalsoonida ee xildhibaanada la filayaa in uu soo dhiso xukuumad cusub oo xilka kala wareegnta xukuumadda xilgaarsiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -